Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka adkaysan waayey wixii xalay ay taageereyaasha Valencia ku sameeyeen xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo lagu cunsuriyeeyey garoonka Mestalla Stadium.
Dunida kubadda cagta ayaa garab istaagtay Vinicius, waxaana hormood u ah Real Madrid oo maxkamadda la gashay Valencia iyo taageereyaashii sida xun ula dhaqmay da’yarkan.
22 jirkan oo waqti dambe ciyaarta kaga baxay kaadh casaan ahaa, ayaa waxa dadka wixii lagu sameeyey ka hadlay ka mid noqday tababare Jurgen Klopp, waxaase uu tilmaamay hal arrin oo ku riixda taageereyaasha inay laacibkan weeraraan.
“Ciyaartiisa marrka qaarkood ayaa sababta falcelin.” Ayuu yidhi Jurgen Klopp, waxaanu kusii daray: “Wanaa waxa uu ka samaynayo garoonka, laakiin miyey tahay in la cunsuriyeeyo? Ma jiro wax adduunyada guudkeeda saaran oo curud-daar looga dhigan karo cunsuriyadda. Bal qiyaas haddii aan idhaahdo, gebi ahaanba miyirkaygu ma joogin
Jurgen Klopp oo sidoo kale ka hadlay xirfadda iyo tayada Vinicius Junior ayaa yidhi: “Waa ciyaartoy heer caalami ah.”
Vinicius Junior ayaa xilli-ciyaareedkan u dhaliyey Real Madrid 23 gool oo dhaman tartamada ah, waxaana intii uu ka tirsanaa uu kula guuleystay koob kasta oo suurtogal ah, sida Champions League, LaLiga oo laba jeer ah, Spanish Supercup, FIFA Club World Cup, Copa Del Rey iyo UEFA Super Cup.