Jurgen Klopp oo ka hadlay Dhaawacyada Mohamed Salah iyo Van Dijk iyo Ciyaaristooda Finalka Champions League-ga

Photo/Skysports

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa aaminsan in Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk aysan soo gaarin dhaawacyo halis ah finalkii FA Cup ee ay ka qaadeen Chelsea .

Salah ayaa la bedelay ka dib 33 daqiiqo ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray gumaarka.

Van Dijk ayaa ciyaarta ka baxay bilawgii waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta kadib markii uu dareemay xanuun muruqa ah.

Reds ayaa wajihi doonta Southampton Talaadada, iyadoo kulankaas uu si dhaqso ah u imaan karo, Klopp ayaa kalsooni ku qaba in labadaan ciyaaryahan ay finalka Champions League ku wajihi doonaan Real Madrid 28ka May.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Klopp ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa inay fiican yihiin laakiin ha u maleyn inay diyaar u noqon doonaan talaadadan”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*