Home Horyaalka Ingiriiska Jurgen Klopp oo ka hadlay guuldaradi soo gaartay kooxdiisa.

Jurgen Klopp oo ka hadlay guuldaradi soo gaartay kooxdiisa.

0

Jurgen Klopp ayaa aaminsan in kooxdiisa Liverpool ay maskax ahaan u liitaan ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Brighton halka guuldaraan dhabar jab kale ku tahay rajadooda Premier League.

Kooxda heysata horyaalnimada ayaa  ku dhibtooday in shabaqa gaaraan kulankii ka dhacay Anfield oo guuldarada kusoo gaartay brighton iyagoo xitaa aan sameynin darbooyin badan oo bartilmaameed ahaa liverpool Anfield kuma aysan dhalin wax gool ah seddex kulan oo isku xigta waana markii ugu horeysay tan iyo 1984.

Manchester City ayaa u safri doonta Merseyside gaara ahaan garoonka Reds ee Anfield kulanka weyn ee axada iyagoo hogaanka looga haayo Reds 7 dhibcood sidoo kale city gacanta ayey ku haystaan kulan baaqi ah.

Klopp wuxuu sheegay in Brighton ay si fiican u ciyaartay isla markaana gaareen guul lama filaan ah oo kasii fogeysay cabsidooda ineey u laabtaan heerka labaad klopp ayaa yiri Waxa kaliya ee aan sameyn karnaa waa inaan isticmaalno waxyaabaha dhaca oo aan wax ka baranno Xalku had iyo jeer waa ciyaartoy Waxay ahayd toddobaad adag oo caawa ma aysan ku filneyn. Magaalada ayaa duuleysa waana inaan helnaa xal.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here