Home Warka Xiisaha Leh Jurgen Klopp oo ka hadlay Waqtiga uu Rajeynayo Bixitaanka Mohamed Salah

Jurgen Klopp oo ka hadlay Waqtiga uu Rajeynayo Bixitaanka Mohamed Salah

0

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday in uu Mohamed Salah ku waayo horyaalka Saudi Pro League xagaaga soo socda.

Reds ayaa Jimcihii diiday dalab lacageed oo dhan £150m oo uga yimid Al-Itixaad saacado ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ingariiska, laakiin kooxaha Sacuudiga ayaa wali ciyaartoy la soo saxiixan kara ilaa Khamiista soo socota.

Liverpool ayaa loo malaynayay in Salah aan lagu iibin doonin xaalad kasta xagaagan, laakiin mawqifka Reds ayaan ka niyad jabin Al-Itixaad, kuwaas oo loo malaynayo inay qorsheynayaan dalab la yaab leh oo 200 milyan ginni ah .

Hadii ay Liverpool go’aansato oo ay aqbasho dalabkaas, Salah waxa uu dhaafi doonaa Neymar oo ah ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan, Al-Itixaad ayaana sida muuqata diyaar u ah inay ka dhigaan ciyaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka.

Iyadoo Liverpool ay si degdeg ah u diiday dalabkii Al-Ittihad ee ahaa 150 milyan ginni, ma cadda in kooxda Merseyside-ka ay awood u yeelan doonto inay iska caabiso lacag aan horay loo arag oo ay kaga soo iibsatay ciyaaryahan haatan wax ka yar 24 bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa.

Warbixin ka soo baxday The Mirror ayaa sheeganeysa in heshiiskan oo kale laga yaabo in ay iftiimiso Fenway Sports Group, kuwaas oo ka warqaba in 200 milyan ginni oo loogu talagalay 31-sano jir ay ka dhigan tahay qayb ganacsi oo heersare ah marka laga eego dhinaca dhaqaalaha.

Previous articleRonaldo oo sheegay inuu dhaliyay goolkiisii 850 ciyaarihiisa rasmiga ah ee uu ciyaaray
Next articleHeshiis Dhacay:- Manchester City oo la soo wareegtay da’yar ka tirsan West Ham

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here