Jurgen Klopp oo ka warbixiyay xaalada dhaawac ee Sadio Mane

Sadio Mane ayaa seegay kulankii Liverpool FC ee West Ham United Axadii sababo la xiriira dhaawac yar oo ka soo gaadhay kulankii Tottenham, Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday.

Xiddiga reer Senegal ayaan lagu soo darin kooxda Reds kulankii ay guusha 3-1 ah ka gaareen Hammers ee bariga London habeenkii Axada.

Mane ayaa qaab ciyaareed sarre ku jiray Reds bartamihii isbuucaan markii ay wajaheen Tottenham markii uu dhaliyay hal gool isla markaana uu caawiye ka ahaa kulankii ay 3-1 kaga badiyeen waqooyiga London.

Si kastaba ha noqotee, wuxuu fadhiyay guushii Liverpool FC ee West Ham United mana cada waqtiga uu diyaar u noqon doono xulkiisa mar kale – in kasta oo dhaawiciisa aan loo maleyneynin inuu yahay mid aad u daran.

Isagoo ka hadlaya wareysi ay qortay Metro maalintii Axada, Klopp ayaa ka hadlay maqnaanshaha Mane: “Wuxuu sheegay in  xidiga uusan diyaar aheyn hada.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*