Home Warar Ciyaaraha Maanta Jurgen Klopp oo ku amaanay badalkiisa Liverpool ee Arne Slot oo uu...

Jurgen Klopp oo ku amaanay badalkiisa Liverpool ee Arne Slot oo uu ku tilmaamay ‘tababare aad u wanaagsan

0

Jurgen Klopp ayaa ku amaanay badalkiisa Liverpool ee Arne Slot oo uu ku tilmaamay ‘tababare aad u wanaagsan’ waxa uuna ku kalsoon yahay in kooxdiisii ​​hore wacdaro dhigi doonto inta uu joogo taabaraha reer Holland.

Slot ayaa u dhaqaaqay Anfield xagaagan si uu u bedelo Klopp ka dib markii uu tababaraha reer Germany soo afjaray muddo 9 sano oo uu joogay kooxda.

Tababarihii hore ee Feyenoord ayaa guul ku bilowday horyaalka Premier League todobaadkii hore kadib markii uu 2-0 kaga badiyay kooxda Ipswich Town.

“Arne, waa. Runtii tababare wanaagsan” Klopp ayaa ku yiri wareysi uu siiyay ESPN.

“Runtii aad ayaan ugu farxay markii aan maqlay in Liverpool ay u socoto Arne Slot. Wax badan ayaa isbedelay tan iyo markii aan baxnay”.

“Waan jecelahay kubada uu ciyaaro sidaas darteed waa wax fiican, waxa aan daawaday kulankii Ipswich waxana ay ahayd ciyaar fiican”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here