
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lumiyey samirkii iyo kalsoonidii uu u hayay afar ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa kaddib barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee ay Sabtidii garoonka Anfield kula galeen Chelsea oo soo booqatay, taas oo ahayd ciyaartiisii 1,000aad ee uu tababare yahay.
Klopp ayaa ku jira xilli ciyaareed adag oo ay kooxdiisu fadhido badhtamaha miiska kala sarraynta, balse kooxda ay la ciyaarayeen ee Chelsea ayaa kasii hoosaysa iyadoo waliba lacagtii ee koox Premier League ah ay bixiso ku kharash-garaysay suuqa lixdii bilood ee ugu dambeeyey.
Anfield oo ahaan jiray garoon kulamada ka dhacaya waqti horeba loosii qoro Liverpool ayaa ku noqday meel aan la kala lahayn oo sannadkan u dhexeeya kooxaha oo dhan, isla markaana hore loogu karbaashay, ka hor intii aanay Chelsea hal dhibic ka xoogin qaldaddan ay tobannaanka kun ee xamaasadda badan ku diyaarsan yihiin.
Mohamed Salah ayaa ku jira xilli ciyaareed aa du liita oo ay dafirtay gool-dhalintu, waxaana uu tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka tebayaa saaxiibkiisii ka mashquulin jiray difaacyahannada ee Sadio Mane oo xagaagii u wareegay Bayern Munich.
Labada khadka dhexe ee Fabinho iyo Jordan Henderson ayaa si lama filaan ah kursiga kaydka uu u dhigay Jurgen Klopp, waxaana go’aankaas lagu tilmaamay inuu caddayn u yahay in aanu kalsooni baadan ku qabin qaab-ciyaareedkooda. Sidoo kale, Trent Alexander-Arnold iyo Darwin Nunez ayaa la sheegay in iyagana uu aad u saluugsan yahay Jurgen Klopp oo ay sii luminayaan kalsoonidii uu tababarahoodu u hayay.
Be the first to comment