Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister inay neef weyni ka soo fuqday markii la bedelay waqtigii nasashada kulankii ay guusha soo laabashada ah ka gaareen Wolves.
Horyaalka Premier League ayaa dib u bilaawday todobaadkan kadib ciyaarihii caalamiga ee lagu maqnaa, iyadoo ay Reds shaqeysatay seddex dhibcood.
Wolves ayaa hogaanka ku hormartay ka dib markii uu shabaqa u soo taabtay Hwang Hee-chan laakiin goolal ay Liverpool u kala dhaliyeen Cody Gakpo, Andy Robertson iyo gool uu iska dhaliyay Hugo Bueno ayay ku badiyeen.
Liverpool ayaa xagaagii la soo wareegtay Mac Allister oo ay kala soo wareegeen Brighton & Hove Albion, iyagoo kula soo wareegay aduun dhan 35 milyan ginni, taasoo ugu danbeyn kor ugu kaceysa 55 milyan ginni.
Laakiin Mac Allister waxaa soo martay maalin ay aheyd inuu iska ilaawo isagoo qaatay kaadhka hurdiga ah islamarkaana la bedelay waqtigii nasashada iyadoo Liverpool ay guul soo laabasho ah gaartay.
Mac Allister ayaa u soo ciyaaray xulka Argentina labadii todobaad ee ugu danbeysay, wuxuuna qeyb ka ahaa ciyaartoydii isreebreebka Koobka Adduunka la ciyaaray Bolivia.
Ciyaartaas waxay ka dhacday caasimada Bolivia e La Paz oo ah magaalada ugu sareysa adduunka taasoo keentay in heerka ogsajiinta uu aad u hooseeyo.
Mac Allister ayaa lagu sawiray isagoo isticmaalaya taankiga ogsajiinta, Klopp ayaana sheegay inuu ciyaaryahanka ku faraxsanaa in la bedelo kulankii Wolves.
Klopp ayaa yiri: “Way ka dhamaatay. jaale ayuu qaatay, wuxuuna ahaa mid aad u daalay qeybtii hore.
“Waan ognahay sida uu Alexis u fiican yahay, go’aan qaadashadiisa qeybta hore ma fiicneyn sababtoo ah waxaan aragnay isagoo isticmaalaya maaskarada ogsajiinta, waxay aheyd in daqiiqado kale lagu sii hayo malaha taas ayaa caawin laheyd.
“Xaqiiqdii kama niyadjabsaneyn markii aan bedelnay. Waxaan aaminsanahay inuu ku faraxsanaa in la bedelay.”