Home Horyaalka Ingiriiska Jürgen Klopp waxa uu qirtay in uu soo dhamaaday Difaacashada Liverpool ee...

Jürgen Klopp waxa uu qirtay in uu soo dhamaaday Difaacashada Liverpool ee Horyaalka Premier League

0

Jürgen Klopp ayaa qirtay in daafaca Liverpool uu soo idlaaday ka dib burburintii naxdinta lahayd ee Leicester .

Reds ayaa 10 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City iyagoo ciyaaray labo kulan oo dheeri ah ka dib guuldaradii sabtidii 3-1 ka soo gaartay.

“Haa. Uma maleynayo inaan yareyn karno farqiga, ”ayuu yiri ka dib guuldaradii seddexaad oo isku xigta ee Premier League.

“Waa inaan guuleysano ciyaaraha kubada cagta, qeybaha waa weyn ee kubada cagta runti way fiicnaayeen. Waa inaan iska ilaalino khaladaadka iyo isfaham la’aanta.

“Maanta ma aanan sameyn taas. Ciyaarta inteeda kale runti way wanaagsaneyd. Marka hore waa inaan mar labaad sameynaa natiijo feecan..

“Inta badan ciyaarta waxaan ku raacsanahay inay aheyd ciyaar fiican runtii. Ma sahlana in laga badiyo Leicester qaabkii aan u ciyaarnay.

“Waxaan dhalinay gool laakiin waxaa nalaga dhaliyay mid qariib ah, waxaana u maleynayaa inay tahay Offside, 2-1na waa isfaham la’aan.

“Taasi waxay saameyn weyn ku yeelatay ciyaarta. Waxay ahayd inaan muujinno falcelin ka duwan tii saddexaadna si fudud ayaanu ku bixinay. ”

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here