Juventus 1-2 Sassuolo: Gool laga dhaliyay dhamaadka Ciyaarta oo Juventus lagu dubtay

Gool laga dhaliyay waqtiga dhimashada ayaa keenay in Juventus looga badiyo 1-2 kulan ay booqasho ugu tagtay kooxda Sassuolo oo qeyb ka ahaa Horyaalka Serie A.

Goolal ay kala dhaliyeen Davide Frattesi iyo Maxime Lopez ayaa Sassuolo ka caawiyay guusha ciyaarta Xili Juventus ay heshay gool uu u dhaliyay Weston McKennie.

Sharaxaada Ciyaarta.

Daqiiqadii 44aad ee ciyaarta Davide Frattesi ayaa daah-furay goolasha Sassuolo isagoo kubad looga dhex bixiyay daacyada kooxa dhanka bidix ka dhigay goolhaya goolkaasi ayaana lagu kala nastay.

Qeybta labaad ee ciyaarta Juventus ayaa sameesay weerar culus taasi oo keentay in ay hesho goolka bar-baraha Daqiiqadii 76aad kubad lasoo qaaday waxaa madax qurux badan la helay Weston McKennie.

Maxime Lopez ayaana soo afjaray rajadii Juventus isagoo Gool Qurux badan ka dhaliyay daqiiqadii 90+5aad ee ciyaarta goolkaasi oo ahaa mid uu ka dul qaaday goolhayaha oo banaanka u soo baxay guud haan kulanka ayaa ku soo dhamaday 1-2.

Natiijo ahaan Juventus ayaa ku jirta kaalinta 7aad ee horyaalka halka Sassuolo ay fadhiso booska 9aad ee horyaalka.

Dhanka kale kooxda Inter Milan oo booqasho ugu tagtay kooxda Empoli ayaa ku soo badisay labo gool waxana goolasha oo yimid qeybta hore iyo qeybta danb ee ciyaarta ka caawiyay Danilo D’Ambrosio Daqiiqadii 34aad iyo Federico Dimarco daqiiqadii 66aad ee ciyaarta, guushan ayaana ka caawineysa inay ku jirto kaalinta 3aad ee horyaalka iyadoo leh 21 dhibcood.

ugu danbeyn kooxda Roma ayaa guul kasoo gaartay kooxda Cagliari ciyaar ku soo dhamaatay 1-2 oo Roma ka caawisay inay soo gasho kaalinta 4aad ee horyaalka iyadoo leh 19 dhibcood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*