Juventus 2-4 Inter Milan: Perisic oo labo mar Shabaqa soo taabtay iyadoo inter Milan ay qaaday Coppa Italia

Ivan Perisic oo laba gool dhaliyay ayaa Inter u xaqiijiyay koobka Coppa Italia kadib markii kadib markii leesla aaday waqtiga dheeriga ahaa.

Inter ayaa hogaanka ku hormartay ka hor inta aysan Juventus barbareynin islamarkaana hogaanka la wareegin. Ciyaarta oo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay ayaa Inter ay rigoore ku barbareysay Juve taasoo dhalisay muran is dagaal ka dhacay kursiga keyd.

90kii daqiiqo oo barbaro 2-2 ku dhamaaday ayaa keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daro ciyaarta iyadoo Inter mar kale rigoore muran uu ku jiro loo dhigay, waxaana u saxiixay Ivan Perisic iyadoo macalinka Juventus oo mudaharaaday go;aanka casaan la siiyay, Perisic ayaana guusha u sii xaqiijiyay Inter isagoo dhaliyay goolka afaraad ee ciyaarta.

Waa markii ugu horeysay ee ay Inter Milan ku guuleysato Coppa Italia tan iyo sannadkii 2011.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*