Home Falanqeynta Kulamada Juventus 3-0 Sassuolo: Di Maria iyo Vlahovic oo guul ku hogaamiyay kooxda...

Juventus 3-0 Sassuolo: Di Maria iyo Vlahovic oo guul ku hogaamiyay kooxda Juve

0
Ad

Dusan Vlahovic ayaa dhaliyay labo gool si uu uga caawiyo Juventus guul raaxo leh oo 3-0 ah oo ay ka gaareen Sassuolo ciyaartii furitaanka olalaha Serie A.

Weeraryahanka Di Maria ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee  Juventus kulan ka dhacay Allianz Stadium isagoo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Daqiiqadii 26aad ee ciyaarta waxana gool rigoore ah ku daray Dusan Vlahovic dhamaadka qeybta hore daqiiqadii 43aad iyadoo lagu kala nastay labadaasi gool.

Ad

Xidiga Dusan Vlahovic ayaa goolka 3aad u dhaliyay Juventus Daqiiqadii 51aad iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 3-0.

Kooxda Massimiliano Allegri ayaan ku jirin kubad heysashada ugu fican balse waxa ay sameyeen fursado badan oo ay heleen, iyadoo weerar ku sameesay kooxda ay xafiiltamaan.

Juventus ayaa heysata todobaad kale oo ay isku diyaariyaan ka hor inta aysan wajihin Sampdoria Isniinta, halka Sassuolo ay martigelin doonto Lecce Sabtida.

Previous articleChelsea oo wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirta Armando Broja
Next articleLiverpool 1-1 Crystal Palace: Reds oo bar-baro kale oo lama filaan ah lagu qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here