Juventus oo isku dayaysa inay bishan Janaayo lasoo wareegto Anthony Martial.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester United Anthony Martial .

26-sano jirkaan ayaa ku wargaliyay Red Devils inuu doonayo inuu baxo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, laakiin kooxdu weli ma helin dalab ku habboon adeeggiisa.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Man United Ralf Rangnick ayaa sheegay in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu diiday inuu ka mid noqdo kooxdii sabtidii la ciyaartay Aston Villa ee horyaalka Premier League, inkasta oo weeraryahanku uu markii dambe ku adkaystay in aanay taasi ahayn.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Juventus ayaa go’aansatay inay weeraryahan cusub u soo qaadato kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, waxaana ay u aqoonsatay Martial mid macquul ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Pierre-Emerick Aubameyang ee Arsenal iyo Fiorentina Dusan Vlahovic ay sidoo kale yihiin dookhyo, laakiin Martial ayaa ah bartilmaameedka ugu macquulsan ee Old Lady.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*