Ad
Juventus ayaa isku diyaarinaysa in ay Aston Villa heshiis isku badalasho ah la gasho suuqa January.
Kooxda reer talyaani ayaa rajaynaysa in ay khadka dhexe ee Douglas Luiz ka hesho kooxda Midlans.
Ad
Luiz ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, mana u cusbooneysiinayo Villa.
Kooxda fadhigeedu yahay Turin ayaa u soo bandhigi doonta weeraryahanka Villa Moise Kean si ay u hesho Luiz, sida ay qortay JuveLive .
Isha ayaa sheegeysa in Juve ay marka hore si toos ah ugu iibsan doonto Kean 27 milyan ginni, ka dibna ay u soo bandhigi doonto Villa.