Juventus iyo Barcelona oo ku dagaalamaya saxiixa daafaca Chelsea Antonio Rudiger

Photo@Reuters

Juventus iyo Barcelona ayaa labaduba xiiseynaya saxiixa daafaca kooxda Chelsea Antonio Rudiger , sida lagu sheegay warbixin.

Daafaca dhexe ee Jarmalka ayaa si wax ku ool ah loogu isticmaalay keyd ahaan xilli ciyaareedkaan markii uu wacdaro dhigay Thiago Silva iyo Kurt Zouma .

Rudiger ayaa kaliya hal kulan ku soo bilowday Premier League, waxaana weheliya Fikayo Tomori , iyagoo raadinaya koox cusub bisha Janaayo.

ESPN ayaa sheeganeysa in 27 jirkaan uu soo dhaweenayo kooxaha doonaya, iyadoo kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus iyo kooxda La Liga ka dhisan ee Barcelona ay miisaamayaan inay la wareegaan.

AC Milan ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseyneyso isla warbixinta iyadoo wiilasha Stefano Pioli ay raadinayaan inay ku bilowdaan olole xoogan.

Daafacii hore ee Roma Rudiger ayaa seddex sano iyo bar ku qaatay Stamford Bridge, isagoo 120 kulan u saftay Blues waqtigaas.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*