Juventus iyo Inter Milan oo ku dagaalamaya saxiixa Conor Gallagher ee Chelsea

Juventus iyo Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay ku dagaallamaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Conor Gallagher .

22 jirkaan ayaa amaah ugu soo ciyaaray Crystal Palace intii uu hogaaminayay Patrick Vieira xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay sideed gool shan kalena sameeyay 29 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Gallagher ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda koowaad ee Chelsea xilli ciyaareedka 2022-23, laakiin hubanti la’aanta ku xeeran lahaanshaha kooxda ayaa loo malaynayaa inay soo jiidatay indhaha kooxaha meelo kale ka yimid.

Sida laga soo xigtay The Sun , Juventus iyo Inter Milan ayaa labaduba isha ku haya xaalada ciyaaryahanka khadka dhexe ka dib markii ay indha-indheeyayaal u direen kuwaasi daawaday kulankii Palace ee Manchester City usbuucii hore.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Palace aysan aqbalin guuldarro tartanka loogu jiro saxiixa Gallagher, laakiin uma badna inay awoodaan inay dhaqaale ahaan kula dagaallamaan kooxaha Champions League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*