Juventus oo Diiday Dalabka Chelsea ee Matthijs de Ligt.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab kaga yimid Chelsea oo ku aadan Matthijs de Ligt.

22-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa Juventus waxaa uga harsan labo sano, laakiin waxaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Turin, iyadoo daafaca uu sheegay inuu doonayo inuu ka ciyaaro Premier League xilli ciyaareedka soo socda.

Chelsea ayaa hogaaminaysay tartanka loogu jiro De Ligt iyada oo doonaysa in ay xoojiso daafaceeda dambe kadib bixitaanka Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen .

Sida laga soo xigtay Daily Mail , Juventus ayaa diiday dalab ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah oo ay soo bandhigtay kooxda Premier League.

Blues ayaa lagu soo waramayaa inay gudbisay dalab ku kacaya 40 milyan ginni, oo ay ku darayso midkood Timo Werner ama Christian Pulisic .

Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa loo maleynayay inuusan dooneyn midkood labada ciyaaryahan ee loo soo bandhigay, halka kooxda Serie A sidoo kale la rumeysan yahay inay ka caga jiideyso inay iibiso De Ligt xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa kasoo muuqday kooxda 117 jeer, isagoo dhaliyay 13 gool.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*