Home Wararka Ciyaaraha Juventus oo diiday qandaraaskii Depay iyadoo lasoo wareegtay Xidig cusub

Juventus oo diiday qandaraaskii Depay iyadoo lasoo wareegtay Xidig cusub

0
Ad

Weeraryahanka Barcelona Memphis Depay ayaa doonayay u dhaqaaqista Juventus todobaadkan.

Depay ayaa wadahadalo kula jiray Juve dhowr usbuuc, laakiin Bianconeri ayaa wax walba hakisay isbuucaan waxayna la soo wareegtay Arek Milik oo ka yimid Olympique Marseille .

Ad

Sport ayaa sheegaysa in Depay uu dalbaday €3m sanadkii in ka badan mushaarkiisa Barca taasoo keentay in Juve ay u wareegto Milik.

Barca ayaa u furan inay ceshato Depay hadii Pierre-Emerick Aubayemang uu ka tago Chelsea .

Manchester United ayaa la xiriirtay inay dib ula soo saxiixato xiddiga reer Holland, inkastoo aysan weli dalab rasmi ah ka gudbin.

Previous articleAC Milan oo la soo wareegtay daafaca Kooxda VfB Stuttgart ee Jan-Carlo Simic
Next articleTababare Nagelsmann oo ku booriyay taageerayaasha inaysan ku jeesjeesin Xidiga Lewandowski

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here