Juventus oo diyaar u ah ineey iska iibiso xidiga reer argentina Paulo Dybala.

Photo/AFP

Kooxda Juventus ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Paulo Dybala si ay lacag ugu helaan isla markaana qeyb weyn kaga Noqdo dib u dhiska kooxda reer talyaani taas oo kal hore sheegtay ineey fasixi doonto Ronaldo iyo Ramsey marka la gaaro xagaaga.

Corriere dello Sport ayaa ku waramaysa in xiddiga heerka caalami ee Argentina laga iibin karo kooxda Barcelona suuqa kala iibsiga ee soo socota, in kasta oo ay ku xirnaan karto waxa ku dhacaya Lionel Messi.

Barcelona ayaa qorshaheedu yahay inay dib u dhis xoogan Sameyso kadib fashil badan oo yimid Sanadihii lasoo dhaafay xagaaga soo socda ayeeyna u dhaqaaqeysaa Dybala waloow sidoo kale lala xariirinayo xidiga kale ee kasoo jeeda wadanka argentina Sergio aguero.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*