Juventus oo dooneysa inay amaah kula soo wareegto Ruben Loftus-Cheek

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay raadineyso inay amaah kula soo wareegt okhadka dhexe ee Chelsea Ruben Loftus-Cheek .

Marwada duqda ah ayaa la sheegayaa in ay ogolaatay in Arthur uu ku qaato inta ka harsan xili ciyaareed kaan kooxda Arsenal , iyadoo kooxda reer talyaani ay haatan raadineyso badalka xidiga ree Brazil.

Sida laga soo xigtay Sky Italia , Juventus ayaa dooneysa inay Loftus-Cheek keento Turin inta ka harsan xilli ciyaareedka 2021-22, halka kooxda Serie A ay sidoo kale xiiseyneyso inay heshiis joogto ah ka dhigto.

Loftus-Cheek ayaa si joogto ah ugu ciyaara Blues inta lagu jiro xilli ciyaareedkan, isagoo u saftay 20 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay seddex caawin.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka faa’ideystay arrimaha dhaawaca ee Chelsea isagoo 12 jeer ka soo muuqday Premier League, inkastoo uu dhawaanahan uga maqnaa coronavirus.

Ciyaaryahanka reer England ayaa weli labo sano iyo bar uga harsan tahay qandaraaskiisa Stamford Bridge.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*