Juventus oo guul ka gaartay Kooxda Inter Milan, (the Old Lady) oo soo gashay kaalinta 4aad.

Kooxda Juventus ayaa guul ka gaartay Inter milan kulan ka tirsan Horyaalka Serie A, Marwada Duqda ayaana kulankan ku badisay 3-2 ciyaar labada kooxood ay garoonka Allianz Stadium ku soo bandhigeen kubad adag .’

Juventus ayaa dib ugu soo laabatay kaalinta afraad ee horyaalka Serie A, xilli hal kulan oo kali ahi ka hadhsan yahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Sharaxaad Ciyaarta

Kooxda Juventus ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 24aad ee ciyaarta Ronaldo ayaana qasaariyay kubad rigoore ah oo loo dhigay lakin kubadaha uu soo baxshay goolhaya ayuu dib ugu celiyay mar kale.

Inter Milan ayaana goolkaasi ku bareejeesay gool rigoore ah Xidigaha Romelu Lukaku ayaana u soo istaagay Daqiiqadii 35aad ee ciyaarta isagoo gool u badalay.

dhamaadka qeybta hore Juan Cuadrado ayaa mar kale hogaanka u dhiibay juventus isagoo ciyaarta ka dhigan 2-1 waxana lagu kala nastay goolashaasi.

kooxda Inter milan ayaana halkeeda kasii waday dadaalkeeda waxana markan ay heshay kubad uu iska dhaliyay Giorgio Chiellini kaasi oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Daqiiqadii 88aad Juventus ayaa heshay gool kale oo rigoore ah waxana gool u badalay Juan Cuadrado goolkaasi oo ahaa kiisa labaad ee ciyaarta guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 3-2.

dhamaadka ciyaarta inter milan waxaa casaan ka qaatay Marcelo Brozovic oo labo jaale kulankan la siiyay.

Natiijadan waxay juventus ka caawineysaa in ay soo gasho booska 4aad ee horyaalka looguna soo boxo Champions league.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*