Home Horyaalka Italy Juventus oo guul ka gaartay Parma Calcio 1913 Siina adkeesay booskeeda 3-aad...

Juventus oo guul ka gaartay Parma Calcio 1913 Siina adkeesay booskeeda 3-aad ee Horyaalka

0

Kooxda Juventus ayaa guul muhiim ah ka gaartay Kooxda Parma Calcio 1913 oo lagu ciyaarayay gurigeeda Lugtii 13-aad ee Horyaalka Dalka Taliyaaniga.

Xidigaha Juventus ayaana 4 iyo 0 ku xasuuqay kooxda Parma Calcio 1913 goolashaasi oo ka caawiyeen Dejan Kulusevski,Cristiano Ronaldo, iyo Alvaro Morata.

Kooxda Juventus ayaana kulanka iska maamuleysay badi ciyaarta iyadoo xidiga Dejan Kulusevski uu goolka ugu horeeyo u saxiixay daqiiqadii 23-aad halka Cristiano Ronaldo uu goolka labaad Juventus u xaqiijiyay isla qeybta hore Daqiiqadii 26-aad Qeybta hore ayana lagu kala nastay 2 iyo 0.

isku soo laabashada qeybta labaad Juventus ayaa halkeeda kasii waday goolashada waxana markale shabaqa soo taabtay xidiga Cristiano Ronaldo daqiiqadii 48-aad kooxda Juventus ayaana goolka ugu danbeeyay waxaa u xaqiijiyay Alvaro Morata iyadoo ciyaarta ay ku soo idlaatay 4 iyo 0.

Guusha ay gaartay Juventus ayaa ka dhigan in ay xaqiijiso booskeeda 3-aad ee Horyaalka iyadoo leh 27 dhibkood halka Parma Calcio ay ku jirto booska 15-aad iyadoo leh 12 dhibcood.

Kooxda Juventus ayaa kulanka xiga waxay la ciyaaridoonta kooxda Fiorentina oo ay ku martigalindoonto gurigeeda talaadada.

Previous articleFalanqeynta Kulanka Manchester United vs Leeds United, Leeds oo Kaalinta 2-aad cariirsan karta
Next articleFalanqeynta Kulanka Eibar Vs Real Madrid, Los Blancos oo raadineysa guushii 5-aad oo xiriir ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here