Juventus oo isha ku haysa xiddiga Real Madrid ee Marco Asensio si ay u dhigto badalka Paulo Dybala

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio inuu yahay bedelka saxda ah ee Paulo Dybala .

Qandaraaska Dybala ee kooxda ka dhisan Serie A wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu beeca xorta ah kaga tago kooxda xagaagan.

Halka Juve ay xoojisay safkeeda weerarka bishii Janaayo markii ay Dusan Vlahovic kasoo qaateen Fiorentina, ka tagistii Dybala waxay u badan tahay inay Marwada Duqda ah ku qasbi karto inay mar kale ku soo laabato dagaalka.

Sida laga soo xigtay Defensa Central , Juve ayaa Asensio u aqoonsatay bedelka Dybala, iyadoo 26 jirkaan uu qandaraaskiisu dhacayo 2023, waxaana sidoo kale si aad ah loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo meel kale.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa intaa ku dartay in Real Madrid ay ugu yaraan €50m (£42m) ku iibineyso Asensio, iyadoo Juve ay diyaar u tahay inay xiddiga reer Spain u soo bandhigto mushaar dhan €7m (£5.9m).

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*