Ad
Juventus ayaa isha ku heysay inay lasoo wareegto Moise Kean ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga lakin qorshaha ayaa hada mid fashilmay.
Kooxda reer talyaani ayaan hubin in 22-sano jirkaan uu heli doono waqti joogto ah xilli ciyaareedkan.
Ad
Sida laga soo xigtay Calciomercato , Kean kuma jiro buuga ee tababare Max Allegri, inkastoo uu ciyaaray 32 kulan xilli ciyaareedkii hore.
Daahitaankiisa shirarka ayaa keenaya arrimo u dhexeeya isaga iyo Macalinka, sida ay sheegtay ilo-wareedka.
22-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Atletico Madrid iyo Paris Saint-Germain.
Kean ayaa waqti hore amaah ku soo qaatay PSG halka uu Juventus kula joogay amaah isagoo kasoo tagay Everton .