Kooxda Juventus ayaa ku guuldareysatay Koobka Coppa Italia kadib guul ay ka gaartay Kooxda Atalanta oo kulankeeda Finalka soo bandhigtay kubad adag.
The Old Lady ayaa kulankan dhalisay Labo gool oo kala yimid labada qeyb ee ciyaarta goolashaasi oo ay ka heshay D. Kulusevski iyo Federico Chiesa.
Sharaxaad Ciyaarta.
Daqiiqaddii 31aad ee ciyaarta ayuu Dejan Kulusevski hoggaanka u dhiibay Juventus kaddib markii uu shabaqa Atalanta dhex dhigay kubbad uu ka helay Weston McKennie, laakiin toban daqiiqadood kaddib ayay ciyaartu noqotay 1-1, kaddib markii uu Ruslan Malinovskyi kubbad awood badan ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Juventus.
Chiesa ayaa birta ka jaray kubbad uu cidhib ugu soo dhiibay Cristaino Ronald oo daqiiqado gudahood haddana madax ku qabtay kubbad halis ahayd.
Daqiiqaddii 73aad ayay Juventus xaqiijisatay goolka guusha oo uu u saxeexay Federico Chiesa oo kubbad ka helay Dejan Kuluvski oo si adag u shaqaynayay.
Juventus ayaa Coppa Italia ku guuleysatay markeedii 14aad waxaanay sidaas kaga badbaadday in ay xilli ciyaareedkan ku dhacaan koobab la’aan maadaama Inter Milan ay soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee horyaalka Serie A, sidoo kalena ay wareeggii 16ka kaga hadheen tartanka Champions League.