Juventus oo Manchester Utd u soo bandhigtay Saxiixa Cristiano Ronaldo si ay ugu badalato Paul Pogba

Kooxda uventus ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay Man United u soo bandhigto saxiixa Cristiano Ronaldo si ay ugu badashaan xiddiga Paul Pogba.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago United bilihii ugu dambeeyay waxana uu bartilmaameed u yahay kooxda Juventus.

Saxafiga wargayska The Independent ee Miguel Delaney ayaa sheegay in ay Juventus si dhab ah u doonayso saxiixa Paul Pogba waliba diyaar u yihiin in ay Ronaldo u soo diraan Old Trafford si ay u helaan xiddiga reer France.

Warkan aya imanaya maalmo yar kadib markii wakiilka Paul Pogba xaqiijiyay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda Man United.

Isla wakiilka Pogba ayaa sheegay in uu xiddigu ku biiri doono kooxda Juventus taas oo dabka ku sii shidaysa wararka haatan soo baxay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*