Juventus oo ogaatay in Pogba uu halis kale ugu jiro dhaawac jilibka ah

Juventus ayaa ogaaatay in Paul Pogba uu halis dheeraad ah ugu jiro dhaawac jilibka ah ka dib markii uu doortay inaan qaliin lagu samayn.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado shan isbuuc ka dib markii uu dhaawac soo gaaray labo isbuuc ka hor isagoo ku jira tababarka Los Angeles.

Pogba ayaa wajahaya ilaa shan bilood haddii uu doortay inuu khaliin galo

Taa bedelkeeda, waxa uu mari doonaa physio iyadoo Tuttosport ay warineyso in qaliin la’aan meniscus uusan xal noqon doonin: xanuunka wuu baabi’i karaa laakiin hadii ciyaaryahanka khadka dhexe uu sameeyo dhaq dhaqaaq la mid ah kii markii ugu horeysay xanuunka keenay, markaas. qaliinka waa la filayaa.

wakhtiga soo kabashada way dheeraan doontaa hadii uu doorto qaliin, laakiin Juventus iyo France, oo Koobka Adduunka ku soo fool leh, waxay rajeynayaan in waxaas oo dhan aysan dhicin.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*