Juventus oo qorsheyneynin inay wadahadal ka bilowdo heshiis kordhinta Cristiano Ronaldo

Agaasimaha kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa xaqiijiyay in kooxdu aysan mudnaan siinin heshiis cusub Cristiano Ronaldo waqtigan la joogo.

36 jirkaan qandaraaska uu ku joogo Turin ayaa dhacaya dhamaadka ololaha 2021-22, waxaana wararka sheegayaan in uu ku laaban karo kooxda Manchester United taasi oo ah arin xiiso leh.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan ku guuleystaha shanta jeer Ballon d’Or mustaqbalkiisa ciyaareed ayaa sii xoogeystay ka dib markii Juventus ay ka hartay Champions League oo ay la gashay Porto bartamihii isbuucaan, laakiin madaxa kooxda Paratici ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin wax wadahadalo qandaraas ah oo haatan lala qorsheynayo Ronaldo.

Isaga oo la hadlaya Sky Italia , Paratici wuxuu yiri: “Weli waxaa jira sanad kale oo qandaraas ah [oo dhacaya June 2022]. Cusbooneysiinta qandaraaska Cristiano ma ahan arin deg deg ah oo ajandaha noogu jirta, waxaa jira waqti looga hadlo arintaas.”

Saxafiga reer Talyaani Emanuele Gamba ayaa sidoo kale sheegay in Manchester United loo soo bandhigay fursad ay dib ugula soo saxiixan karaan Ronaldo xagaagii hore, laakiin Red Devils ayaa diiday fursada ay kula midoobi karto weeraryahankeedii hore.

Xiddiga reer Portugal ayaa u diiwaan galiyay 92 gool iyo 22 caawin kooxda heysata horyaalka Talyaaniga tan iyo markii uu yimid 2018, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo Serie A ah mudadaas.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*