Juventus oo qorsheyneysa inay dalab lacag badan ka gudbiso weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah.

Photo@Reuters

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah bartilmaameedka macquulka ah ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Salah ayaa mar hore maqaam heer sare ah ka sameeyay garoonka Anfield, isagoo dhaliyay 153 gool 229 kulan oo uu saftay, waxaana uu kooxda kula guuleystay Premier League iyo Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Masar ayaa wax ka yar 15 bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa, mana doonayo inuu u kordhiyo sii joogista Merseyside.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport , Juventus ayaa diyaar u ah inay ka faa’ideysato xaalada iyadoo Salah u soo bandhigtay qandaraas afar sanno ah oo uu ugu wareegayo Turin.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Serie A ay diyaar u tahay inay bixiso 29-sano jirkaan lacag dhan 10 milyan ginni sannadkii iyadoo boosaska lagu fasaxayo biilka mushaharka sababtoo ah Paulo Dybala oo mustaqbalka si xor ah uga tagaya.

Liverpool ayaa dooneysa inay ka fogaato xaalad la mid ah Salah, waxaana laga yaabaa inay diyaar u tahay inay ka fiirsato dalabyada 50 milyan ginni dhamaadka sanadkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*