Home Horyaalka Italy Juventus oo si ba’an u raadineysa qadka dhexe ee kooxda Roma Nicolo...

Juventus oo si ba’an u raadineysa qadka dhexe ee kooxda Roma Nicolo Zaniolo.

0

Kooxda heysata horyaalka Seria A  ee  Juve ayaa xiiseyneysa xidiga qadka dhexe ee kooxda Roma Nicolo Zaniolo iyagoo damacoodu yahay ineey ku adkeeyaan qadkooda dhexe sida laga soo xigtay Gazzetta Dello Sport.

Bianconeri ayaa isha ku haysay 21 jirka in muddo ah waxayna sameyn karaan dalab rasmi ah dabayaaqada sanadkan ama xilli ciyaaredka dambe si ay uga baxdo abaarta ka heysata koob horyaalada qaarada yurub ee uefa champions league oo ugu dambeysay mudo fog.

Zaniolo ayaa heshiis la galay kooxdiisa As Roma si uu waqti kale ugu sii qaato waxaana heshiiska xidiga uu gaarayey ilaa 2024, laakiin wuxuu seegay ololihii 2020-21 oo dhan isaga oo ilaa iyo haatan dhaawac kaga maqan kooxda Roma.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here