Juventus oo si dhab ah isha ugu heysa xidiga Manchester United ee Paul Pogba

Photo@Reuters

Kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay si dhab ah ugu tartameyso inay hesho adeega ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man Utd oo aan ku faraxsaneyn Paul Pogba marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in waqtigiisa macmiilkiisa Old Trafford uu qarka u saaran yahay inuu dhamaado, waxaana uu ku booriyay kooxda reer England inay iibiyaan macmiilkiisa bisha Janaayo.

Kooxda heysata 20ka jeer hanashada horyaalka Ingariiska ayaa la rumeysan yahay inaysan rumeysneyn in Los Blancos ay heysato lacagihii looga baahnaa inay kula soo saxiixato 27 jirkaan bisha Janaayo ka dib saameynta dhaqaale ee ay ku yeelatay coronavirus.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa u muuqatay ‘ikhtiyaar dhab ah’ inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee ku guuleystay Koobka Adduunka 2021.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Pogba iyo Solskjaer ay wada yeesheen xiriiir ka dib ciyaartii Champions League ee Talaadadii ay la ciyaareen RB Leipzig, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa haatan ku sii jeeda inuu ka tago kooxda.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*