Juventus oo uga badisay 2-0 Kooxda Roma Horyaalka Serie A Italy

Kooxda Juventus ayaa ka badisay kooxda Roma kulan ka tirsan Horyaalka Taliyaaniga oo lagu ciyaaray Garoonka Allianz Stadium.

Juventus ayaana Roma uga badisay labo gool oo midkooda ka heshay CR7 Daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta halka goola labaad uu ahaa mid uu iska dhaliyay Roger Ibanez oo Roma ka tirsan.

Guusha Juventus ayaa ka caawineysa in ay soo gasho booska 3-aad ee horyaalka iyagoo leh 42 dhibcood waxana ay 4 dhibcood ka danbeysaa kooxda Inter Milan oo ku jirta booska labaad ee horyaalka.

Maxaa Xiga

Juventus ayaa la ciyaaridoonta kooxda Inter Milan Cope italia talaadada nagu soo wajahan halka Roma ay la ciyaaridoonto Braga Europe League

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*