Home Horyaalka Italy Juventus oo uga badisay 3-0 Spezia: Cristiano Ronaldo oo Shabaqa soo taabtay

Juventus oo uga badisay 3-0 Spezia: Cristiano Ronaldo oo Shabaqa soo taabtay

0

Kooxda Juventus ayaa guul 3-0 ah ka gaadhay kooxda Spezia iyada oo ay uga mahad celinayaan goolal ay u kala dhaliyeen Alvaro Morata , Federico Chiesa iyo Cristiano Ronaldo qaybtii dambe ee ciyaarta.

Morata ayaa hogaanka u dhiibay Juve daqiiqadii 62-aad ka hor inta uusan Chiesa ku darin goolka labaad waxyar kaasi oo soo afjaray rajada kooxda kaalinta 15-aad ee Spezia.

Ronaldo ayaa markaas ku daray goolka quusinta daqiiqadii 89aad – guushan ayaa ka dhigan in kooxda Serie A ka dhisan ee Juve ay 7 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Inter Milan iyadoo 14 kulan ay u hartay. 

Maxaa Xiga

Juventus, ayaa martigelin doontaa kooxda Lazio fiidnimada Sabtida isla horyaalka Serie A

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here