Juventus oo wadahadalo kula jirta kooxda Sassuolo si ay ula soo wareegto Scamacca

Weeraryahanka Scamacca ayaa amaah ugu jooga Genoa, laakiin waxa uu u dhaqaaqi karaa Turin marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo

Juventus ayaa horay u sii riixeysa wadahadalada saxiixa Gianluca Scamacca oo ay kala soo wareegeyso Sassuolo ka dib dhaawacii ka soo gaaray Paulo Dybala.

Xiddiga reer Argentina Dybala ayaa  wajahaya seddex isbuuc garoomada ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii Juventus ay 3-1 kaga badisay Sassuolo axadii.

“Subaxnimadan Paulo Dybala waxaa lagu sameeyay baaritaano lagu ogaanayo dhaawiciisa taasoo lagu ogaaday dhaawac hoose oo ka soo gaaray jilibka bidix isla markaana uu kasoo kabsanayo ugu yaraan 15/20 maalmood,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Juventus.

Maalmaha soo socda waxaa jiri doona wadahadalo dheeri ah, laakiin Juventus kaliya ma ahan kooxda xiiseyneysa Ac Milan ayaa sidoo kale Xiiseeneysa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*