Juventus oo Weli Xiiseeneysa Xidiga Manchester United ee Paul Pogba

Paul Pogba

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inaysan wax xiiso ah u qabin inay kula midoobaan Paul Pogba magaalada Turin xagaaga soo aadan.

beeca xorta ah ayaa lagu heli karaa xidigan marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan iyadoo heshiiska kooxda uusan aheyn mid sii socda.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa labaduba loo saadaalinayaa inay ku dagaalamaan saxiixa Pogba xagaaga soo aadan, laakiin ku laabashada Juventus ee laacibka reer France ayaa sidoo kale la hadal hayaa.

Si kastaba ha ahaatee, ESPN ayaa sheeganeysa in Marwada Duqda ah ay taa bedelkeeda mudnaanta siineyso heshiiska xiddiga Monaco Aurelien Tchouameni , halka Axel Witsel , Denis Zakaria iyo Ryan Gravenberch ay sidoo kale ka mid yihiin liiska Juve.

Pogba ayaa ku faanaya 7 caawin 10 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan laakiin haatan wax gool ah kuma laban afar kulan oo Premier League ah ka dib guuldaradii 4-2 ee ka soo gaartay Leicester City isbuucaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*