Juventus oo xaqiijisay dhaawaca jilibka ee Pogba; qaliin ayaa loo baahan karaa

Saxiixa Juventus Paul Pogba ayaa wajahaya qaliin jilibka ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray tababarka.

Pogba ayaa ku jabay fadhigii ugu horeeyay ee Los Angeles, Juve ayaana xaqiijisay dib u dhacaas.

Xiddiga caalamiga ah ee Faransiiska ayaa booqan doona takhasusle si uu u eego haddii loo baahan yahay daaweyn qalliin.

Tuttosport ayaa sheegtay in ciyaaryahankii hore ee Manchester United Pogba uu u baahan doono qaliin, islamarkaana uu maqnaan doono 30-35 maalmood.

“Kadib markii uu ka cawday xanuunka jilibka midig, Paul Pogba waxa uu maray baadhitaano shucaac ah oo muujinaya dhaawac ka soo gaadhay meniscus lateral,” ayaa lagu yidhi bayaanka kooxda.

“Saacadaha soo socda waxa uu mari doonaa la-talin takhasus ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*