Juventus oo xiriir la sameysay wakiilka Xidiga Jorginho ee Chelsea

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la samaysay wakiilka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Jorginho ka hor inta ayna u dhaqaaqin xiddiga reer Italy.

29-jirkan – oo sanadkan kaalinta saddexaad galay abaal marinta Ballon d’Or ka dib Robert Lewandowski iyo Lionel Messi – ayaan weli la hubin sii joogitaankiisa Stamford Bridge wixii ka dambeeya 2023.

Wakiilka Jorginho ayaa xaqiijiyay in kalyantigiisa uusan wax wadahadal ah kula jirin Chelsea oo ku aadan heshiis cusub, waxaana si lama filaan ah loo qorsheeyay ku laabashada Seri A.

Sida laga soo xigtay Calciomercato , Juventus ayaa haatan si toos ah ula xiriirtay wakiilada Jorginho si ay u diwaan galiyaan xiisaha ay u qabaan ku guulaysta Euro 2020.

Jorginho ayaa hore 151 kulan u saftay Serie A-da intii uu joogay Napoli iyo Hellas Verona isaga oo dhaliyay 9 gool waxana uu cawiyay 15 gool oo horyaalka ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa durba dhaliyay afar gool iyo caawin 17 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, lakiin waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin guushii arbacada ee Watford.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*