Xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska iyo Juventus Paul Pogba ayaa afka furtay ka dib markii maxkamada sarre ee Isboortiga CAS ay go’aan ka gaartay ganaaxiisii daroogada.
Pogba ayaa markii hore laga mamnuucay kubada cagta muddo afar sannadood ah ka dib markii dawooyin mamnuuc ka ah isboortiga laga helay kaadidiisa ka dib kulan ay la ciyaareen Udinese.
Markii ay ciqaabtaas ku dhacday Pogba ayaa beeniyay inuu si ogaal ah u qaatay dawooyinka mamnuuca ah islamarkaana uu racfaan ka qaadan doono.
Xiddiga ku guuleysatay Koobka Adduunka ayaana ku guuleystay racfaankiisa iyadoo maxkamada CAS ay ganaaxiisa ka dhigtay kaliya 18 bilood.
Waxay tani la micno tahay in Pogba uu tababar la bilaabi karo Juventus bisha Janaayo islamarkaana uu qeyb ka noqon karo kooxda tababare Thiago Motta bisha Maarso.
Pogba ayaa soo saaray warbixin dheer oo uu uga hadlayo sida uu ugu faraxsan yahay go’aanka maxkamada.
“Ugu danbeyn qarowgii wuu soo dhamaaday” ayuu yiri Pogba.
”Waxay tani ii aheyd waqti adag oo wax walba oo nolosheyda ku saabsan hakadgelisay.
“Waad ku mahadsan tihiin jaceylkiina iyo taageeradiina. Ma sugi karo inaan garoonka ku soo laabto.”
Markii ugu danbeysay ee Pogba uu ciyaaro waxay aheyd bishii September 2023 markaasoo ay Juventus 2-0 kaga badisay Empoli.