Home Warar Ciyaaraha Maanta Kabtanka Arsenal Martin Odegaard oo soo saaray baaq uu u diray saaxiibadiisa

Kabtanka Arsenal Martin Odegaard oo soo saaray baaq uu u diray saaxiibadiisa

0

Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa soo saaray baaq uu u diray saaxiibadiisa, isagoo ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay in loo diyaar garoobo xilli ciyaareedka soo socda.

Odegaard oo ka hadlayay safarkii Mareykanka ee kooxda ayaa carabka ku adkeeyay in ciyaar walba ay muhiim tahay isla markaana kooxdu ay u baahan tahay inay noqoto mid aad u fiican tan iyo bilowgii.

“Fasaxa xagaaga aad ayay ugu fiican tahay nasashada iyo shaqada,” Odegaard ayaa yidhi.

“Waxaan helay isku dheelitirnaan fiican oo u dhexeeya labada, haatan waxaan ku soo laabanay kulamada aan la ciyaarnay kooxaha wanaagsan, waa hab fiican oo loogu diyaargaroobo xilli ciyaareedka”.

Odegaard waxa uu si cad ugu faraxsan yahay isu diyaarinta kooxda, isaga oo ammaanay “cimilo aad u wanaagsan iyo garomada ay tababarka ku qaadanayaan.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay meesha ugu fiican ee lagu diyaargaroobo, hadii aan runta ka hadlo aad ayaan uga helay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here