Home Horyaalka Italy Kabtanka Real Madrid oo ka hadlay xaalada adag ee kooxdiisa ee Champions...

Kabtanka Real Madrid oo ka hadlay xaalada adag ee kooxdiisa ee Champions League, kadib guuldaradii Liverpool.

0

Laacibka reer Croatia ee Luka Modric, kabtanka Real Madrid, ayaa ka hadlay xaalada adag ee kooxdiisa ee Champions League, kadib guuldaradii Liverpool.

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa wareega 5-aad ee tartanka champions League.

Modric oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“Runtii, maya, ma aanan fileyn, kani waa Champions League, waan ognahay in kulamadaan ay yihiin kuwa adag. Waxa hadhay saddex ciyaarood”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waa inaan horumar sameynaa oo aan soo bandhignaa si kasii wanaagsan, waxaan qabaa inaan sameyn doono taas, sababtoo ah kulamadii ugu dambeeyay waxaan ku jirnay dardar wanaagsan, qeybta hore waan fiicnay, wixii intaa ka dambeeyay ma aanan ka faa’ideysan rigoore, goolkii labaad ayaa yimid.”

Isaga oo ka hadlaya waxa kooxda ka maqan, waxa uu ku daray: “Shaqo fiican ayaanu ka samaynay dhanka difaaca, waxana aanu ahayn kuwa isku dhow. ”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here