Kabtanka xulka Qaranka Belguim ee Eden Hazard oo ku digtay xulka Germany

Kabtanka xulka Qaranka Belguim ee Eden Hazard ayaa ku digtay xulka Germany kadib markii ay u mudaharaadeen qoomu luudka ka hor kulankii Japan.

Xiddigaha Xulka Germany ayaa afka is qabtay dhamaantood ka hor intii ayna bilaaban ciyaartu taas oo ay ciyaarta kadib ku sharaxeen in ay u mudaharaadayaan in loo diiday calaamada ay ku taageerayaan Qoomu Luudka.

Xulka Germany ayaa guuldaro ku bilowday koobka adduunka kadib markii uu Japan lama filaan qarxiyeen isla markaas garaaceen xulka Germany kulan ay soo laabasho sameeyeen.

Kadib markii uu Eden Hazard guul ku hogaamiyay xulkiisa kulankii Canada ayaa wax laga waydiiyay wixii ay sameeyeen xiddigaha xulka Germany ka hor kulankii Japan.

“Haa, Waan arkay laakiin waa laga badiyay, waxa ay ahayd in ayna samayn wixii ay sameeyeen isla markaas muhiimada siiyaan in ay badiyaan”ayuu Hazard yidhi.

“Waxa aan halkan u joognaa in aan kubad ciyaarno, anigu halkan uma iman in aan gudbiyo fariin siyaasadaysan, waxa jirta dad ay tahay in ay ka hadlaan waxaas halkan waa in aan kubada ciyaarno”ayuu sii raaciyay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*