Home Horyaalka Italy Kai Havertz oo digniin Udiray kooxda Manchester United ee kulanka arsenal

Kai Havertz oo digniin Udiray kooxda Manchester United ee kulanka arsenal

0

Kai Havertz ayaa uga digay Manchester United in Arsenal ay tahay mid aan la joojin karin marka ay Gunners ku jirto qaabkeeda ugu fiican.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa ku soo dhawaynaysa Ruben Amorim iyo kooxdiisa Emirates fiidnimada Arbacada kulan ka tirsan Premier League.

Arsenal ayaa ah tijaabadii ugu horaysay ee Amorim kaas oo hogaamin doona kulankii 3-aad ee premier League kadib kulamadii Ipswich iyo Everton.

United ayaa lix dhibcood ka hooseysa Arsenal iyadoo kooxda Mikel Arteta ay ku jirto kaalinta labaad ee kala sareynta.

Ka dib soo laabashadii Martin Odegaard ee dhaawaca, Gunners ayaa qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ku soo laabatay iyaga oo guulo waaweyn ka gaadhay kooxaha West Ham iyo Nottingham Forest marka lagu daro kooxdii hore ee Amorim ee Sporting CP.

Havertz ayaa filaya in uu Amorim saamayn ku yeeshay Man United isla markaas ay ka duwaanaan doonaan sidii ay ahaayeen markii uu Ten Hag hogaaminayay kooxda.

“Erik ten Hag waxa uu halkaas joogay dhawr sano, sida iska cad, marka uu tababare cusub yimaado, waxa ay beddelaan qaab ciyaareedkooda, waxa ay beddelaan nidaamkooda, beddelaan ciyaartoydooda, markaa waxa jiri doona waxyaabo badan oo kala duwan sidii hore”ayuu yiri weeraryahanku.

“Laakin anaga waxaan qabaa, waxa ugu weyn waa inaan diirada saarno nafteena, waxaan aaminsanahay awoodeena, waxaana dooneynaa inaan ciyaarno kulankeena ugu fiican, marka aan ciyaareyno kulankeena ugu fiican, waxaan u maleynayaa inaysan jirin cid wax naga qaban karta, taasina waa waxa aan dooneyno inaan sameyno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here