Kalidou Koulibaly oofurtay xisaabtiisa goolasha ee horyaalka Premeir League diiwaangeliyeyna rikoodh taariikhi ah oo muddo 18 sannadood ah aanay Chelsea arag.

@Reuters

Xiddiga reer Senegal ee Kalidou Koulibaly ayaa furtay xisaabtiisa goolasha ee horyaalka Premeir League, waxaana uu gool qurux badan ka dhaliyey Tottenham oo marti ugu ah Stamford Bridge, halkaas oo looga diiwaangeliyey rikoodh taariikhi ah oo muddo 18 sannadood ah aanay Chelsea arag.

Chelsea ayaa hoggaanka kulanka London Derby ku qabatay gool ay ka wada shaqeeyeen saxeexyada cusub ee Kalidou Koulibaly iyo Marc Cucurella.

Koorne uu dhinaca bidix kasoo qaaday difaaca reer Spain ee Marc Cucurella oo ay Blues xagaagan kasoo iibsatay Brighton ayaa waxa darbad xooggan oo fooli ku qabtay Kalidou Koulibaly oo ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka yahay goolhayaha ay isku waddanka yihiin ee Mendy, waxaana uu ugu dabbaal-degay si weyn isaga oo jilbaha ku cararay.

Goolkan ayaa noqday midkii koowaad ee ciyaartoy ku cusub Chelsea uu ka dhaliyo kulankiisa koowaad ee Tottenham tan iyo March 2006, waqtigaas oo uu laacibkii hore ee Ghana ee Michael Essien uu gool ka dhaliyey Spurs.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*