Kante oo ka hadlay mustaqbalka Chelsea xilli ay xiiseyneyso Man Utd

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Chelsea N’Golo Kante ayaa iska diiday su’aalo la xiriira mustaqbalkiisa ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kante ayaa lagu xamanayaa Manchester United halkaas oo uu taageere u yahay tababaraha cusub Erik ten Hag .

Laacibka khadka dhexe ayaana diiday inuu sheego halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda isagoo kaliya diirada saaray ololaha haatan uu kula jiro Blues.

Kante ayaa u sheegay Sky Sports : “Waxa kaliya ayaa ah in aan haysto hal sano oo dheeri ah, waxa kaliya ee aan doonayo ayaa ah in aan dhammeeyo xilli ciyaareedkan.

“Waxaan ka fekeri doonaa waqtiga saxda ah.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*