Karim Benzema oo Seegi doona Kulanka Getafe ee Horyaalka La Liga

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa la filayaa inuu seego kulanka sabtida ee horyaalka La Liga ee ay la leeyihiin Getafe .

34 jirkaan ayaa maqnaa inta badan bishii September ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay Real Madrid 3-0 kaga badisay Celtic tartanka Champions League.

Ka dib muddo gaaban oo uu garoomada ka maqnaa, Benzema ayaa dhawaan ku soo laabtay garoomada isagoo ciyaaray gabi ahaanba kulamadii Osasuna iyo Shakhtar Donetsk.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca , xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa in la nasiyo kulanka sabtida ee ay gurigooda ku wajahayaan deriskooda Madrid ee Getafe ka dib markii uu seegay tababarkii jimcihii.

Shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka, Carlo Ancelotti ayaa yiri: “Lama saarin, laakiin waxaa laga yaabaa in la nasiyo, waxaan qiimeyn doonaa subaxnimada Sabtida”.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*