Kepa Arrizabalaga oo go’an ka qaatay Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea

Goolhayaha Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa jeclaan lahaa inuu sii joogo kooxda.

Goolhayaha Blues ayaa hoos ugu dhacay lambarka 2-aad ka dib imaatinka Edouard Mendy , laakiin haatan waxa uu ku raaxaysanayaa kooxda marka la eego bixitaanka Mendy.

“Waa run in aanan fursad u helin inaan ciyaaro dhowr kulan oo xiriir ah dhowr bilood,” ayuu u sheegay DAZN .

“Waxa aan u qaataa fursad aan u malaynayo in aan diyaar garoobay marka aan ciyaarayo, si fiican ayaan u shaqaynayaa, waxa aan baxayaa aniga oo ku qanacsan ciyaaraha, aniga oo faraxsan ayaan baxayaa, taas ayaana ah waxa aan doonayay”.

Arrizabalaga ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda si uu ugu biiro Lazio , laakiin iyadoo Mendy uu ka maqan yahay xulkiisa caalamiga ah, heshiis kasta oo macquul ah uma badna inuu dhaco ilaa xagaaga.

Chelsea ayaa ku soo laaban doonta garoomada talaadada marka ay wajahdo kooxda Bright & Hove Albion kulan ka tirsan Premier League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*