Sida laga soo xigtay The Athletic , ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka Premier League ee ay Liverpool la ciyaareyso bilowga bisha Febraayo ka dib dhaawac muruqa ah.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa laga saaray qeybtii labaad ee ciyaartii Aston Villa, baaritaannadii maanta la sameeyayna waxay muujiyeen dhaawac yar oo muruqa ah.
De Bruyne wuxuu rajeynayaa inuu soo laabto labo ilaa seddex isbuuc gudahood, laakiin waqtiga saxda ah weli lama oga.
Kooxda Pep Guardiola ayaa si kooban ula wareegtay hogaanka horyaalka ka dib guushii 2-0, laakiin Manchester United ayaa ku soo laabatay booska ka dib markii ay si dhib badan 2-1 kaga badisay Fulham.