Kevin De Bruyne oo ku sii dhawaanaya heshiis cusub oo Manchester City ah

Photo/Reuters

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxda afarta jeer hanatay horyaalka Premier League.

Wadahadalada udhaxeeya 29 jirka iyo kooxda ayaa socday in muddo ah, iyadoo De Bruyne uu dhawaan shaaca ka qaaday inuu isagu wakiil ka yahay wadahadalada.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea weli labo sano iyo bar ayaa uga hartay qandaraaskiisa haatan ee Etihad Stadium, laakiin Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa  isha ku haya mustaqbalkiisa, City.

Haatan, The Guardian ayaa warinaysa in wada hadaladu ay si wanaagsan u socdaan De Bruyne ayaana qalinka ku duugi doona heshiis cusub dhawaan, iyadoo ciyaaryahanka reer Belgium la filayo inuu sii joogo ilaa 2025.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in De Bruyne uu filan karo kor u kac yar oo 300 kun ginni ah isbuucii uu haatan jeebkiisa ku haysto magaalada Manchester, labada dhinac ayaa si fudud u dhameystiraya faahfaahintii ugu dambeysay ee qandaraas kordhintiisa.

De Bruyne ayaa durbaba dhaliyay labo gool isla markaana dhigay 11 kale oo City ah tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa diiwaangaliyay caawintiisii ​​100aad ee kooxda kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Southampton usbuucaan, iyadoo Raheem Sterling uu goolka guusha u dhaliyay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*