Kevin De Bruyne oo Sabab aanan Aheyn Corona uga Maqan kulanka Manchester City ee Arsenal

Photo/Reuters

Manchester City ayaa waxaa ka maqnaan doona Kevin De Bruyne kulanka sabtida ee Arsenal ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe uu ku guuldareystay inuu kasoo kabsado dhaawac canqowga ah.

Laacibka reer Belguim ayaan wajahaya dhaawacyo ka dib markii lagu qasbay inuu ka baxo finalka Champions League.

Dhibaatada anqawga ah ee soo gaartay ayuu wali dareemayaa, tababaraha xulka qaranka Roberto Martinez ayaan u yeerin De Bruyne shaxdiisii ​​ugu dambeysay.

Tababaraha ayaana 30-sano jirkaan ku xukumay inuu seego kulankii City ee isbuucaan markii uu xaqiijiyay go’aanka.

Martinez ayaa u sheegay suxufiyiinta Khamiistii: “Kevin diyaar ma ahan, waxa uu ciyaaray daqiiqado yar kulankii Tottenham, laakiin xanuun ayuu dareemay kadib.

“Ma ciyaari doono isbuucaan – ka dibna horumarkiisa waa la eegi doonaa.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*