Home Suuqa Kala iibsiga Khabiir iyo saxafi oo tafaasiil ka bixiyay laba sababood oo kala duwan...

Khabiir iyo saxafi oo tafaasiil ka bixiyay laba sababood oo kala duwan oo uu Mohamed Salah u saxiixi doono heshiis cusub

0

Khabiir iyo saxafi ayaa tafaasiil ka bixiyay laba sababood oo kala duwan oo uu Mohamed Salah u saxiixi doono heshiis cusub is badalka tababaraha ayaana laga yaabaa in ay dhinacooda u shaqayso.

Salah ayaa ka mid ah 3 xiddig oo ay Liverpool halis ugu jirto in ay lumiso xagaaga dambe iyada oo labada xiddig ee kale yihiin Trent Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk.

Inkasta oo ay da’doodu sii weynaanayso, Van Dijk (33) iyo Salah (32) ayaa weli ah xiddigo heer sare ah waxayna labadooduba ka ciyaari karaan booskooda.

Salah ayaa dhawaan shaki galiyay mustaqbalkiisa isaga oo sheegay in uu ku jiro sanadkii ugu dambeeyay ee uu ku ciyaarayay maaliyada Liverpool.

Kadib hadalka Salah waxa soo baxay warar badan oo sheegaya in uu Salah doonayo in uu sii joogo kooxda isla markaas heshiis cusub saxiixo.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 2 sabab oo uu Mohamed Salah heshiis cusub ugu saxiixi doono Liverool.

Salah Oo Isha Ku Haya Rikoodhada:

Isagoo la hadlayay Premier League Productions, Wright wuxuu soo jeediyay in Salah uu doonayo inuu jabiyo rikoorka Liverpool.

Haatan Salah ayaa ah xiddiga 5-aad ee ugu goolasha badan laakiin waxa uu baacsan doonaa rikoodhka Ian Ruch ee 346 gool ah.

Bixitaanka Klopp iyo Imaatinka Slot ayaa kor u qaaday fursadaha joogista Salah

Bixitaanka Klopp iyo Imaatinka Slot ayaa hor qaaday fursadaha joogista Salah maadama kooxdu galayso waji cusub oo xiiso leh.

Salah ayaa u muuqday mid ka niyad jabay kooxda sanadkii hore laakiin waxa aad moodaa in uu mar kale ku faraxsan yahay kooxda marka la eego qaab ciyaareedkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here